Khasaare ka Dhashay Duqayn Xalay Loo Gaystay Saldhiga Mareykanka Ee Ciraaq.

Dhowr gantaal ayaa ku dhacay garoonka diyaaradaha ee Ciraaq ee waqooyiga Baqdaad halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanku.

Waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Afar ka mid ah Ciidanka Cirka ee  dowladda Ciraaq.

“Saddex askari oo reer ciraaq ah, oo waardiye ka ahaa irida garoonka, ayaa ku dhaawacmay duqeynta,” ayuu yidhi Goobjooge.

Ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana xusid mudan in todobaadkii lasoo dhaafay la duqeeyay Saldhigyadda Mareykanka Ciraaq oo Iran ka dambeysay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker