Tiro badan oo ka mid ah askarta Kuuriyada Waqooyi oo lagu dilay dagaalka Ukraine
Saraakiil reer galbeed ah ayaa sheegay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay 40% khasaara lixaad leh kala kulmeen dagaalka ka socda gobolka Kursk ee Ruushka, muddo saddex bilood gudahood ah.
11,000 oo askari oo laga keenay Kuuriyada Waqooyi, oo loo yaqaan DPRK ayaa, 4,000 oo ka mid ah la dhaawacay, la dilay ama la qabtay, halka 1,000 kale oo ka mid ahna loo malaynayo in la dilay bishaan Janaayo.
Khasaarahan, haddii la xaqiijiyo, waa mid aad u weyn oo Kuuriyada Waqooyi, waxay kala kulmi doontaa caqabado in ciidamadeedu ay dagaalka ku sii jiraan.
Si kastaba ha ahaatee, tirooyinkan ayaa muujinaya kharashka badan ee uu ku bixinayo saaxiibka madaxweyne Vladimir Putin, Kim Jong Un, dagaalka isagoo isku dayaya inuu ka caawiyo Ruushka sidii uu ciidamada Ukraine uga soo saari lahaa meelha adagaalladu ka socdaan ka hor wadahadal kasta oo xabbad-joojin ah oo dhammaadka sannadkan la filan karo.
Ukraine ayaa weerar lama filaan ah ku qaaday gobolka Kursk ee Ruushka bishii Agoosto ee la soo dhaafay, taasoo keentay in askartu ay si lama filaan ah halkaa guulo uga gaareen.
Xukuumada Kyiv ayaa xiligaasi si cad u sheegtay in aysan wax niyad ah u haynin in ay maamulaan dhulka la haysto, balse ay u adeegsanayaan gorgortan wadahadallo nabadeed mustaqbalka.
Askarta Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo waramayaa in ay yihiin kuwa aan tababar fiican lahayn oo ay ku dagaalamayaan xeelado duugoobay, kuwaas oo u nugul in ay weeraraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.