Nin qaadaney dawada Kansarka muddo 14 sano ah isagoon u baahneyn
Bukaank qaba cudurka kansarku ayaa waxa uu qaadanayey in ka badan 14 sano dawada chemotherapy taas oo aysan muhiim ahayn in uu qaato sida uu qirtay madaxda cusbitaalka.
Qareenada u doodaya ninkan ayaa ku andacoonaya inay og yihiin 12 kale oo bukaan ah oo dhamaantood ku sugan Coventry iyagoo sheegay in kiiskiisu yahay “wax yar oo laGA ogyahay dhibatao ballaaran”.
Tilmaamaha NHS waxay ku talinayaan daawada chemotherapy markii hore loogu qoray, temozolomide, waa inaan la isticmaalin wax ka badan lix bilood.
Isbitaalada Jaamacadda Coventry iyo Warwickshire ee NHS Trust (UHCW) ayaa sheegay inay dib u eegis gudaha ah ku samaynayeen wixii dhacay, waxayna carrabka ku adkeeyeen inay ka go’an tahay bixinta daryeelka ugu wanaagsan ee bukaannada.
Qareenada bukaan-socodka ayaa ku andacoonaya in daaweynta muddada-dheer ee temozolomide ay halis u tahay kansarka labaad, dhibaatooyin beerka oo joogtada ah iyo xoojinta cabsi laga qabo in ay dhimasho keento.
Bukaan-socodka oo markii hore laga daweeyay Buro Maskaxda oo kansar ah, ayaa sheegay in uu la kulmay daal, kalagoysyyada oo xanuuna, calool xanuun, nabarada afka oo soo noqnoqda iyo lallabo, taas oo sababtay daawaynta socota.
Barnaamijkiisa daaweynta chemotherapy ee daba dheeraaday ayaa la ogaaday oo keliya markii dhaqatrkiisa caafimaad ee daweynayey, Prof Ian Brown, uu shaqada ka fariistay.
Dhaqtarka cusub ee la wareegay daryeelkiisa ayaa markaa xaqiijiyay in wareegyada afarta toddobaad ee daaweynta Chemotherapy ee uu qaadanayo aan loo baahnayn.