Dab mar kale ka kacay Los Angeles iyo dadka oo la daad gureynayo

Dab cusub ayaa ka kacay magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, kaasoo ku qasbay kumannaan qof inay u barakacaan goobo ammaan ah.

Dabka ayaa ka bilowdat meel u dhow halka lagu magacaabo Castaic Lake, ee waqooyi-galbeed Los Angeles, wuxuuna si degdeg ah ugu fiday aag horleh, saacado gudahood.

Dabayl iyo caleemo qallalan ayaa dabka sii huriyay, balse ma jiraan guryo iyo goobo ganacsi oo waxyeelo soo gaartay, waxaana saraakiisha dab damiska ay rajo ka muujiyeen inay xakameyn doonaan.

Ku dhawaad ​​31,000 oo qof ayaa la amray in la daad-gureeyo iyadoo 23,000 qof oo kalana looga digay inay ka baxsadaan inta aanu gaarin goobaha ay degganyihiin.

Xabsi ku dhow goobta uu dabku ka kacay ayaa laga daad gureeyay ilaa 500 oo maxbuus.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker