Tirada dadka ku dhintay dab ka kacay Hotel ku yaala Turkiga

Ugu yaraan 76 qof ayaa ku dhintay dab qabsaday hotel caan ah oo ku yaalla dalka Turkiga oo lagu nasto, iyadoo dadka qaar ay daaqadaha ka boodeen.Dabka ayaa ka kacay hoteelka Grand Kartal oo ka kooban 12 dabaq oo alwaax ah kaasoo ku yaalla magaalada Bolu, xilli fasax lagu jiro oo mashquul badanna ka jiray hoteelka maadaama ay ku sugnaayeen 234 qof.

Dhimashada ugu horraysay ayaa ahayd 10 qof balse markii dambe ayay kor u kacday kadib markii dąbku sii baahay. Dadka dhintay waxaa ka mid ah qaar daaqadaha ka booday.

Wasiirka caafimaadka Kemal Memisoglu ayaa sheegay in 51 qof kale oo dhaawacyo kal aduwan qaba la dhigay isbitaallada, iyadoo markii dambe qaar laga saaray.

Dedaallada lagu daminayo dabka ayaa qaatay 12 saacadood, waxaana la xiray sagaal qof oo uu ku jiro mulkiilihii hoteelka, sida uu sheegay wasiirka cadaalada ee dalka Turkiga.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin sababtay dhalisay dabka hase-yeeshee wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dąbku uu ka kacay maqaayad ku taalla gudaha hoteelka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in kuwa mas’uulka ka ah waxyaabaha horseeday dabka “lala xisaabtami doono”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker