Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay mashruuc weyn oo lagu horumarinayo garaadka macmalka ah (AI)
Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay mashruuc weyn oo lagu horumarinayo garaadka macmalka ah (AI), oo ay iska kaashanayaan shirkadaha OpenAI, SoftBank, iyo Oracle.
Mashruucan ayaa lagu maalgelin doonaa $100 Bilyan wajiga kowaad si loo horumariyo kaabeyaasha garaadka macmalka ah (AI) ee Maraykanka, waxaana qorshuhu yahay in afar sanno gudahood la gaadhsiiyo $500 bilyan.
Xarunta ugu horreysa ee xog ururinta ayaa laga dhisi doonaa Texas, kadibna mashruucu wuxuu ku fidi doonaa guud ahaan dalka Maraykanku si uu hormuud uga noqdo hal-abuurka AI.