Madaxweynaha Somaliland oo Magacabay Masuuliyiinta Hay’adda Wadooyinka

𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-046 /012025 uu ku magacaabay Masuulyiinta Hay’adda Horumarinta Waddooyinka

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲:Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐭𝐢𝐱𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐞𝐲:Ahmiyadda ay Hay’adda Horumarinta Waddooyinku u leedahay dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐧𝐜𝐚𝐲: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲: La-tashi;

𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚;

1. In Maxamed Faarax Cabdi Nuur uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Maxamed Cabdalle Xuseen Xasan ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱 𝗟𝗲𝗵
_______________________________________
𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 (𝗖𝗶𝗿𝗿𝗼)
𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker