Dab ka kacay deegaan daaqsimeed oo socda in kabadan toddobaad
In ka badan 300,000 oo hektar oo dhul daaqsimeed ah ayuu saameeyay dabkii kaymaha iyadoo dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo dabka ay weli socdaan.
Gubashada, oo ay uga sii dartay dabaylo xooggan iyo cawska engegan ayaa si fudud looga badbaadi karay sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Geoffrey Omunde oo masiibadaasi ku eedeeyay xoolo-dhaqatada iyo beeralayda.
Sababta dabkaas keentay waxaa ka mid ahaa dad malab doon doonayey, “Qaar waxay doonayeen malabka halka qaar kalena ay doonayeen in ay ka saaraan duqsiga iyo shilinta, sidaa awgeed waxa ay baabi’iyeen daaqaas si ay uga takhalusaan cayayaanka.
Dabka Isiolo ayaa ka bilowday aagga Malkagalla 13-kii Janaayo wuxuuna tan iyo xilligaas ku fiday dhulalka ku xeeran iyadoo xaaladda cimilada ee gobolka oo qalalan ay gacan ka dambeyso sii ballaarinta dabka.
Inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, haddana bulshada ku dhaqan tuulooyinka deriska la ah dhulka baaxadda leh ee uu dabku ka kacay ayaa filanaya waqtiyo adag, maadaama ay ku qiyaaseen dhul daaqsimeed ku filan oo ay xoolahooda ku quudin kareen labada sano ee soo socota.