Maraykanka, Canal-ka Panama, Base-ka Djabouti iyo Fursada Somaliland.
Marka laga yimaado dano dhaqaale, istaraatiijiyadda juqraafiyeed, tartanka China iyo Maraykanka waxa ugu wayn ee Maraykana dabada ka riixaya Arinta Panama, DJabouti iyo Somaliland waa sugnaanshaha Amniga Silsilada Saadka ama waxa loo yaqaan Strategic Supply Chain Security.
Panama, China waxa ay si xoog leh maalgelin ugu sameeysay hawlgalka kanaalka Panama oo labadiisa dhinacba ay maamulaan laba shirkadood oo Chinese ah.
Djibouti, gaar ahaan Camp Lemonnier iyo Base-ka China oo in yar isu Jira ayaa keenaya walaacyo istaraatiiji ah, oo ay ku jiraan khataraha basaaska “risks of surveillance” iyo dekadii Dooraale oo China maamusho.
Haddaba iyadoo ay kordhayaan nuglaanshaha Maraykanka ee Djabouti iyo Panama, Mareykanka waxa uu ku qasban yahay dhisidda ama taageeridda dariiqyo kale si uu u ilaaliyo saameynta ammaankiisa caalamiga ah, taas oo Somaliland dhigaysa meel fiican xaga wada xaajoodka .
Haddaba, Somaliland, oo raadineysa aqoonsi caalami ah iyo horumar dhaqaale shuruudoha suurtagal-ka ah ee Somaliland dalban karto waa:
1. Aqoonsi Caalami ah: taas oo noqon karta tiirka ugu muhiimsan ee heshiiska.
2. Iskaashi Amni: oo ay ku jiraan tababar, qalab, iyo Damaanad qaad.
3. Maalgelin Dhaqaale: si loo kobciyo dhaqaalaha oo loo abuuro shaqooyin
4. Deeqaha Horumarinta: Gargaar horumarineed oo ku aaddan waxbarashada, caafimaadka, iyo helitaanka biyaha nadiifka ah iyo IWM
Waa in si taxadar leh loola xaajoodo, xaqul qalinka sheekadiisina laga dheraado.
Abdinasir A Ibrahim Hangagaar