Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeeray taliska ciidanka laanta socdaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kormeer shaqo kusoo maray taliska ciidanka laanta Socdaalka ee gudaha caasimadda Hargeysa.

Ugu horrayn, taliyaha ciidanka laanta socdaan sarreeye guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) iyo saraakiil kale oo tirsan ciidanka, ayaa madaxweynaha halkaas kusoo dhaweeyey, waxana uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka laanta socdaalka, isaga oo kormeeray dhismaha iyo goobaha shaqada ee talisku ka kooban yahay.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sharraxay shaqooyinka muhiimka ah ee ay ciidanka laanta socdaalku qaranka u hayaan iyo masuuliyadda culus ee saaran, waxana uu yidhi

“Waxa aad ka mas’uul ka tihiin la socoshada dhaqdhaqaaqyada xuduudaha dalka. Waxa aad ka masuul tihiin soo saarista, hubinta iyo laalista dal-ku-galka, Baasaboorrada iyo dhukumantiyada socdaalka la xidhiidhka. Shaqooyinka kale ee aan looga maarmayn laanta socdaalka waxaa ka mid ah, ilaalinta ammaanka xuduudaha iyo ka hortagga isu-socodka sharci-darrada ah, iyo ilaalinta xogta muwaadiniinta ee kaydkeeda ku jirta.”

Madaxweynuhu waxa uu ka marag kacay haykalka ciidannimo iyo firfircoonidda ka muuuqata ciidanka laanta socdaalka iyo dareenka ay ka madaxweyne ahaan taasi ku beertay, “Aragtidii koowaadba wejiyadiinnu waxa ay igu beereen dareen firfircooni ah, niyadwanaag, iyo ruux dhalinyaronimo. Waxaa ka muuqda da’ yaraan, xirfad, aqoon sarreysa, iyo karti aad ku gudan kartaan shaqada Qaranka.” Ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Ugu dambayntii, madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxa uu bogaadiyey shaqada ay ciidanka laanta socdaalku u hayaan bulshadooda iyo dedaalka waddaniyadeed ee ay wadaan, waxana kormeerkiisa ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, gaashaandhigga, maayarka caasimadda, badhasabaabka gobolka Maroodi-jeex iyo qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada dalka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker