Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeer shaqo ku tegay taliska ciidanka Ilaalada xeebaha
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay xarunta taliska guud ee ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland.
Taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha sarreeye guuto Axmed Hurre Haarriye iyo saraakiil kale oo isla ciidanka katirsan, ayaa madaxweynaha halkaas kusoo dhaweeyey, waxana uu salaan Sharaf ka qaatay cutub katirsan ciidanka ilaalada xeebaha.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu ciidanka ilaalada xeebaha u jeediyey khudbad la xidhiidha muhiimadda badda iyo sida ay Jamhuuriyadda Somaliland uga go’an tahay inay amniga baddeeda muhiimad weyn siiso, isaga oo diiradda ujeeddada kormeerkiisa ka hadlayana waxa uu yidhi
“Kormeerkaygani sida uu daarran yahay waa xog-ogaal u noqoshada duruufaha iyo xaaladaha kala duwan ee Ciidanka oo dhan, iyo bud-dhigga hawlaha dib u habaynta iyo casriyeynta ciidamada kala duwan ee ay xukuumaddu qorsheysay bilowgeeda.”
Madaxweynuhu waxa uu ka marag kacay shaqada naf-hurka leh ee ay bulshadooda u hayaan, isaga oo ballanqaaday inay hirgelin doonaan wax kasta oo ciidanka lagu horumarinayo, “Waxa aan qirayaa shaqada naf-hurka u baahan ee aad u haysaan qarankeenna. Xukuumad ahaanna waxaa naga go’an in aannu horumarinno tababarkiina, aqoontiinna, iyo qalabkiinnaba, annaga oo la kaashanayna saaxiibbadeenna caalamiga ah.
Sida oo kale waxa aannu kor u qaadi doonnaa noloshiinna, iyo daryeelka aad ka helaysaan qarankiinna,” ayuu yidhi madaxweyne Cirro.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland kamid tahay mulkiilayaasha badda cas, xaqna u leedahay inay ra’yigeeda ka dhiibato miiska lagaga tashanayo arrimaha la xidhiidha amniga badda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi
“Dalalka badda cas, dawladaha kulaalaya iyo quwadaha dunida ee danaynayaba, waxa aannu xasuusinaynaa in Somaliland ay ka mid tahay mulkiilayaasha ugu muhimsan badda cas, Sidaas awgeed, Aqoonsi la’aanta Somaliland, xalaal kama dhigayso in la innaga reebo arrimaha khuseeya badda cas iyo amnigeeda.”
Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu bogaadiyey ciidamada Ilaalada xeebaha iyo taliyeyaashooda, waxana kormeerka ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha, maayarka caasimadda, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada.