Xamaas oo sheegtay in qaybta labaad ee maxaabiista la sii deyn doono 25-ka bishan

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in qaybta labaad ee maxaabiista Israeliyiinta ee lagu sii deynayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta ay sii deyn doonaan maalinta Sabtida ee soo socota ee taariikhda ku beegan tahay 25-ka bishan January.

Xoogaga Xamaas ayaa gelinkii dambe ee Axaddii sii daayay saddex ka mid ah maxaabiista Israeliyiinta, oo ay ku wareejiyeen Shaqaalaha Laanqeyrta Cas. Saddexda qof oo dumar ahaa ayaa xalay la geeyay Israel.

Xamaas ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dhammaadka isbuuca ay wareejin doonto tirada maxaabiista la qorsheeyay in la sii daayo, inkasta oo aanay tiradooda sheegin.

Warbaahinta afka Maamulka Israel ku hadasha ee KAN ayaa ku warantay in afar maxbuus oo Israeliyiin ah lagu sii deyn doono, inta lagu guda jiro is dhaafsigan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay in Xamaas ay sii deyn doonto afar kale oo haween ah, maalmaha ina soo aaddan.

Wasiirka ayaa xusay in ugu yaraan laba qof oo haysta dhalashada dalka Mareykanka lagu sii deyn doono wejiga koowaad ee heshiiska.

Israel ayaa xalay xabsiga ka sii deysay 90 qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo lagu bedeshay Israeliyiintii ay Xamaas sii deysay.

Wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza oo socon doona 42 cisho ayay Xamaas ku sii deyn doontaa 33 Israeliyiin ah, oo lagu bedelanayo Falastiiniyiin badan oo ku xiran jeelasha Israel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker