Trump: Heshiiska xabad joojinta ma dhici lahayn, haddii aan la i doorteen

Donald Trump, Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa sheegay inaanan la gaari lahayn heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas, haddii aanan mar kale loo soo dooran lahayn Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweynaha oo gelinkii dambe ee Axaddii khudbad ka jeedinayay isu soo bax ka dhacay Magaalada Washington, ka hor xafladda caleemo-saarka ee Isniintan ayaa bogaadiyay xabad joojinta shalay ka dhaqangashay Marinka Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ay labada dhinac bilaabeen.

“Toddobaadkan waxaan gaarnay heshiis xabad joojin ah oo hal abuur leh, taasoo ahayd tallaabadii ugu horreysay ee loo qaaday nabad waarta oo ka dhacda Bariga Dhexe.” Ayuu yiri Donald Trump.

Trump oo ammaanay heshiiska ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha maanta xafiiska banneynaya, isagoona ku dhaliilay in maamulkii uu hoggaaminayay uu ku guuldareystay wax ka qabashada arrinta Gaza.

Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu muddo kooban ku xaqiijiyay, wax ay kooxda Joe Biden ku xaqiijin kari waayeen muddo dheer.

Trump ayaa ku celiyay in isagoo aan joogin Aqalka Cad uu ku guuleystay in si degdeg ah xabad joojin looga sameeyo Marinka Gaza.

Trump ayaa guushaan u aaneeyay natiijada ka dhalatay doorashadii 5-tii bishii November ka dhacday dalka Mareykanka ee isaga loogu soo doortay afarta sano ee soo socota inuu dalkaasi hoggaamiyo.

“Heshiiskani waxa uu dhici karay oo keliya natiijada guushayada taariikhiga ah ee November.” Ayuu yiri Trump.

Fallanqeeyeyaasha siyaasadda iyo dadka wax ku qora barraha bulshada ayaa Trump ku ammaanay go’aankiisa uu culeyska ku saaray Hoggaamiyaha Israel ee ku saabsan in la soo afjaro dagaalka Gaza.

Trump ayaa Xamaas iyo Israel ka dalbaday in la joojiyo dagaalka, ka hor inta aanu xafiiska la wareegin 20-ka January oo maanta ku beegan.

Labada dhinac ayaa 15-kii bishan ku heshiiyay heshiis xabad joojin oo saddex weji ka kooban, oo ujeedkuna yahay in lagu soo afjaro dagaalka.

Heshiiskan ayaa si weyn looga soo dhaweeyay Bariga Dhexe iyo guud ahaanba dunida, inkastoo ay weli dadka qaarkii u arkaan mid jilicsan, isla-markaana ay suurtagal tahay in uu burburo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker