Maxaabiis kale oo ay ku jiraan kuwo Mareykan u dhashay oo la sii deynayo

Shalay oo Axadd ahayd ayaa madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Mareykanka Joe Biden waxaa uu xaqiijiyay in afar kale oo haween Israa’iiliyiin ah isla markaana la haystayaal ah la sii deyn doono toddobaadka soo socda.

Iyadoo saddex la haystayaal toddobadii maalmoodba mar la sii deyn doono kuwaas oo ay ku jiraan ugu yaraan laba Maraykan ah wejigan koowaad. Israa’iil ayaa iyana sii deyn doonta tobanaan Falastiiniyiin ah inta heshiisku socdo.

Waxaa sidoo kale dadka reer Qasa ay dib ugu laaban doonaan dhulkiii ay ka barakaceen, oo burbursan iyadoo heshiiska qodobbadiisa ay ku jirto in la dhiso Qasa oo hadda burbur baahsan uu ka muuqdo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker