Dowladda Soomaaliya oo qorsheeneysa dib u howlgelinta Warshadihii hore
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliya Cismaan Daallo oo la hadlay Tvga Qaranka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku howlan tahay sidii Warshadihii Dalka uu lahaa dib loogu howlgelin lahaa.
Wasiirka ayaa tilmaamay in mashariicda ay Dowladda fulineyso ay qeyb ka yihiin Soocelinta xarumihii warshadaha dalka, iyagoo loo bandhigayo ganacsata si ay uga faa’ideystaan dib u dhisna loogu sameeyo.
Wasiirka Cismaan Daallo ayaa carabka ku dhuftay in Dhulka, Qalabka & waxyaabaha kale ee maamusho Dowladda Federaalka ay shuraako kula noqonayaan ganacsatada daneyneysa in ay dib u howlgeliyaan Warshadihii Dalka si ay qudhooda fursad halkaas uga helaan.
“Dowladda Soomaaliya & Ganacsatada Soomaaliyeed in ay shirko ku noqdaan xarumihii hore Warshadaha Dalka si ay u wada maalgashadaan, Dowladda waxa ay leedahay dhulka, qalabka halka Ganacsatada hantidooda ay leeyihiin, taasina waxa uu hadda horyaallaa Baarlamaanka oo mardhow ansixin doonno.”ayuu yiri wasiir Cismaan Daalo
Ugu dambeyn wasiir Daallo ayaa ka dhawaajiyay arin ka farxisay ganacsatada Soomaaliyeed waxaana uu daaha ka qaaday in dhibaatada ganacsatada ay ka cabanayaan ee la xariirta adeega korontada, mardhow laga faa’iideysan doonno tamarta laga helo ilayska Cadceedda oo laga maarmo dhaqaalaha badan ee ku baxaya matoorka lagu shubayo shidaalka.