Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Oo qaabilay Wakiilka dawladda Boqortooyadda Denmark u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland,
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan bakaal ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka dawladda Boqortooyadda Denmark u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Mathias Kjaer, kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd isbarasho iyo sidii loosii xoojin lahaa xidhiidhka saaxiibtinimo iyo wax wada qabsi ee labada wadan.
Kulanka waxa wasiirka ku weheliyey, Agaasimaha-Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, Mohamed Abdirahman.