Raysal wasaaraha Israa’iil oo sheegay in dib loo dhigay dhaqan-galka heshiiska xabbad-joojinta

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dhaqan-galka heshiiska xabbad-joojinta Qasa dib loo dhigay ilaa ay Xamaas kasoo bandhigeyso liiska dadka ay heystaan.

War kasoo baxay xafiiskiisa ayuu ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ku amray inaysan bilaabin xabbad-joojinta, oo lagu waday inay dhaqan-gasho saakay abbaaro 8:30 waqtiga gudaha (06:30 GMT).

Xamaas ayaa sheegtay in dib u dhaca ay sabab u yihiin “sababo farsamo”.

Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa xalay ka digay in wejiga ugu horreeya ee heshiiska lagu joojinayo dagaalka Qasa uu ahaa “xabbad-joojin ku meel gaar ah”, isla markaana ay Israa’iil leedahay xaqa ah inay dagaalka dib u billowdo, iyadoo Mareykanku taageerayo, haddii la jebiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker