Wasiirka Cadaalada Soomaaliya oo sheegay in aysan jirin cid ama ciidan is hortaagi kara Doorashada Qof iyo Codka

Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallin ayaa dagaal afka ah ku qaaday Mucaaradka Dowladda kasoo horjeeda waxaana uu ku tilmaamay kuwa jidgooyo u dhiganaya shuruuc ay soo meel mariyeen Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka waxa uu si cad u sheegay in aysan jirin cid ama ciidan awood u leh in ay hor istaagto hannaanka dimoqraadiyadda ee lagu soo dooranayo wakiillada iyo qabashada doorashada Qofka iyo Codka.

Waxa uuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawi doorasho oo xor iyo xalaal ah, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Soomaaliya in dhammaan muwaadiniinta ay helaan fursad ay uga qaybqaataan hannaanka doorashada iyada oo aan la faragelin ama aysan jirin wax caga-juglayn.

Wasiir Xasan Macallin waxa uu shaaca ka qaaday in fikirkaan aan la is hortaagi karin maadama uu yimid waqtigii ku haboonaa.

Dowladda iyo Mucaaradka ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaliilo kulkulul iskugu jeedinayay dhanka Warbaahinta kuwaa oo dhamaan kuqotamay arrimaha doorashada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker