Ingiriiska Oo Lagu Xidhay Dad Ku Eedaysan In Ay Laba Sano Ka Hor Xadeen Fadhi Suuli Oo Ka Samaysan Dahab

Rag tuugo ah ayaa fadhiga suuliga ee lagu fadhiisto oo 18-carat oo dahab ah ka xaday qasriga Blenheim ee Ingiriiska ku yaal. Sida ay booliisku sheegeen rag budhcad ah ayaa u dhacay qasriga Oxfordshire markay saacaddu ahayd bishii September 14, 2019-kii. Waxayna xadeen waxyaabihii ku xardhanaa suuligaas oo fadhigii uu ka mid yahay. Dahabka musqushaas waxaa lagu qiyaasay $6 milyan oo dollar (£4.8m).

Shirkadda ceymiska ee ilaalineysay ayaa ballanqaaday in $140,000 ay siineyso qofkii keena macluumaadka dahabkaas la xaday. Laba sano ka dib, illaa iyo hadda waxaa la xiray toddobo qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug-lahaayeen xatooyadaas. Fadhigaas suuliga, waxaa inta badan lagu soo dhawayn jiray dadka martida ah.

Ragga budhcadda ahi waxay gaysteen “waxyeello aad u weyn iyo in gurigii ay biyo ku fatahaan” waayo suuligu wuxuu ku xidhiidhsanaa dhammaan tuubooyinka guriga. Musqusha oo ahayd mid si gaar ah loo lahaa, waxay qeyb ka ahayd bandhig uu sameeyay farshaxaniistaha Taliyaaniga u dhashay ee Maurizio Cattelan, waxaana halkaas lagu rakibay laba maalmood ka hor intii aan la xadin. Shirkadda ceymiska ee FASA, waxay sheegtay weli la raadinayo fadhigaas musqusha ee dahabka ahaa, in kastoo la xiray kuwa looga shakisan yahay. “Ma jiro qof soo dalbaday lacagta abaalmarinta ah… Waxaa markii hore sameynay baaritaanno badan, balse hadda wax kasta waa iska aamusan yihiin,” ayuu yiri Agaasimaha Shirkadda Philip Austin. Guriga weyn ee la dhisay qarnigii 18-aad ee fadhiga dahabka ah laga xaday, ayaa ah dhaxal taariikhi ah oo caalami ah waana halkii uu ku dhashay mudane Winston Churchill. Dadka martida ah ee bandhigyada halkaas u yimaada ayaa adeegsan jiray suuligan, ayadoo qof kasta uu la helaa saddex daqiiqo oo uu ku galo suuliga si dadku aanay saf dheer u gelin. Det Insp Jess Milne, ayaa yidhi: ” gabalkaan yare e la xaday waxa uu ku fadhiyey qiimo aad u badan kaas oo lagu soo dhawayn jiray martida timaadda qasriga. “Waxaan rumaysannahay in koox dambiileyaal oo isticmaalayey ugu yaraan laba gaadhi ay falkan geysteen. Madaxa fulinta qasrigaas, Dominic Hare, ayaa sheegay in ay ” ka naxeen dhacdadaan aan caadiga ahayn, balse farxadgelisay in cidina aanay waxyeello soo gaadhin”.

 

Xaaladda warkan ayaa lagu qaadaa dhigay baraha Bulshada iyada oo lala yaabanaa fadhigan suuli ee dahabka laga sameeyey.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker