Xafiiska raysal wasaaraha Israa’iil oo sheegay in la isku afgartay heshiiskii ay Xamaas la galeen

Xafiiska raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in la ogolaaday “heshiiska lagu siideynayo la haystayaasha”.

Netanyahu ayaa dib u dhigay codka ay golaha wasiirada ku ansixiyaan heshiiska xabad joojinta Gasa, kaas oo lagu waday in la meel mariyo Khamistii shalay, isaga oo Xamaas ku eedeeyay in ay raadineyso isbedel lagu sameeyo heshiiska daqiiqadaha ugu dambeeya

Subaxnimadii Jimcaha manta, xafiiskiisa raysal wasaaraha ayaa sheegay, in Netanyahu ay ku wargeliyeen in kooxaha wada xaajoodka ay ogolaadeen heshiiskii la gaaray.

Waxaa uu amar ku bixiyay, in golaha wasiirada iyo amniga siyaasadda ay kulmaan gelinka dambe ee Jimcaha manta ah, dowladduna “ay shirkaas ka dib yeelan doonto kulan lagu ansixinayo heshiiska”, xafiiska Netanyahu ayaa sidaas yidhi. Qoysaska la haystayaasha ayaa sidoo kale arrintan lagu wargeliyay, ayuu intaas raaciyay.

Wakiilada Israel, Xamaas, Maraykanka iyo Qatar, ayaa si rasmi ah heshiiska ugu saxeexay magaalada Doxa, sida ay ku warrantay warbaahinta Israel.

Heshiiskan ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u dhaqan galo Axadda soo socota.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker