Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan ayaa maanta oo Jimce ah lagu xukumay 14 sano oo xadhig ah.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa maanta oo Jimce ah lagu xukumay 14 sano oo xadhig ah, iyo xaaskiisa Bushra Bibi 7 sano oo xadhig ah, kiis la xidhiidha ku takri-fal awoodeed iyo musuqmaasuq.
Khan ayaa sidoo kale lagu xukumay ganaax dhan 1 milyan oo Rupees Pakistan ah una dhiganta 3,500 doolar, halka Bibi lagu ganaaxay kala badh lacagtaas.