Madaxweynaha Faransiiska oo sheegay in sii daynta la haystayaasha ugu horeeya ay ku jiraan labo faransiis ah oo u xiran Xamaas

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta oo Jimce ah sheegay in labo muwaadin oo Faransiis ah oo asalkoodu Israa’iili yahay lagu wado in ay kamid noqdaan sii deynta ugu horeysa ee la haystayaasha u xiran Xamaas kadib dhaqangalka heshiiska Israa’iil iyo Xamaas.

Labada muwaadin ayaa la kala yiraahdaa Ofer Calderon and Ohad Yahalomi, waxana madaxweyne Macron uu bartiisa ku qoray “wali waxan ku jirnaa dadaalku in aanu istaagin si damaanad loogu helo in ay dib ula midoobaan qoysaskooda”.

Hadalka madaxweyne Macron ayaa yimid kadib markii xafiiska ra’isul wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu uu sheegay in sii deynta la haystayaasha ay bilaaban doonto maalinta Axada ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker