Isu soo bax lagu taageerayay heshiiska Israa’iil iyo Xamaas oo ka dhacay Muqdisho
Tobannaan dadweyne ah ayaa salaaddii Jimcaha kadib isugu soo baxay dibadda masjidka Cumar Bin Khadaab ee magaalada Muqdisho iyagoo taageeray heshiiska xabad joojinta ah ee looga dhawaaqay magaalada Qasa. Dadweynaha ayaa watay boorrar ay ku qornaayeen nabadda Qasa iyo calamada Falastiin.
Haddallo ay dibad baxa ka jeediyeen xubnaha ka qaybgalay ayay ku sheegeen in heshiiska uu muujinayo guul ay gaareen shacabka Falastiin iyo dadka reer Qasa.
Isra’iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin iyo sii deynta maxaabiista ka dib 15 bilood oo dagaal ah, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyayaasha Qatar iyo Mareykanka.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani, ayaa sheegay in heshiiska uu dhaqan geli doono Axadda haddii golaha wasiirrada Israa’iil uu ansixiyo.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in tani ay ‘joojin doonto dagaalka Gaza, korna ay u qaadi doonto gargaarka bini’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay ee shacabka Falastiin, isla markaana ay maxaabiistu la mideyn doonto qoysaskooda.
Markii ugu horeysay ee dhexdhexaadiyeyaasha heshiiska ee Qatar iyo Mareykanka ay ku dhawaaqeen heshiiska, waxay sheegeen in heshiiska uu dhaqan gelayo maalinta Axadda ah iyadoo ay ansixin doonaan golaha wasiirada Israa’iil.