Dibedbaxayaal Israa’iili ah oo la xidhay kadib markii ay ka soo horjeesteen heshiiskii Xamaas
Waxaa magaalada lagu xiray dibedbaxayaal ka soo hor jeestay heshiiskii ay kala saxiixdeen Israa’iil iyo kooxda Xamaas, kuwaas oo lagu eedeeyay inay carqaladeyeen bulshada isla markaana ay burburiyeen gawaari ay lahaayeen dad shacab ah, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen booliska Israa’iil.
Saddex kamid ah dadka dibedbaxa dhigayay ayaa xabsiga loo taxaabay, mid kamid ah ayaana la sheegay inuu basbaas u adeegsaday dibedbaxayaasha kale.
Bayaanka ka soo baxay booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay, in dibedbaxayaasha ay carqaladeeyeen isu socodka dadka iyo baabuurta oo ay ku jiraan gawaarida adeegyada degdegga ah isla markaana ay dab ka dhaliyeen bartamaha magaalada.
Xafiiska raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in la ogolaaday “heshiiska lagu siideynayo la haystayaasha”.
Netanyahu ayaa dib u dhigay codka ay golaha wasiirada ku ansixiyaan heshiiska xabad joojinta Gasa, kaas oo lagu waday in la meel mariyo Khamistii shalay, isaga oo Xamaas ku eedeeyay in ay raadineyso isbedel lagu sameeyo heshiiska daqiiqadaha ugu dambeeya.