Xamaas oo sheegtay in heshiiska xabad joojinta uu ku yimid adkeysiga Falastiiniyiinta
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa ka hadlay heshiiska xabad joojinta ee iyaga iyo Israel ku gaareen dalka Qatar, ka dib maalmo xiriir ah oo wada hadalo ay u socdeen.
Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in heshiiska xabad joojinta uu ka dambeeyay adkeysiga badan ee shacabka Falastiin iyo iska caabintooda xoogan.
“Xabad joojinta aan la galnay Israel ma ahan mid iska timid, laakiin waxay ka dhalatay adkeysiga shacabkeenna halyeeyada ah iyo iska caabinta xoogga leh ay ka sameeyeen Gaza.” Ayaa lagu yiri bayaanka Xamaas.
Bayaanka ayaa lagu sheegay “Heshiisku waa mid muhiim u ah iska caabinta cadowga, waxaana uu ku socdaa waddada aan ku xaqiijinayno inaanu gaarno hadafyada dadkeenna ee xoreynta iyo soo noqoshada.”
Dhanka kale Khalil Al Hayya oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ahna madaxa wada-xaajoodka ayaa sheegay in heshiiska xabad joojinta uu ka dhigan yahay weji cusub, oo diiradda saaraya sida uu yiri dib-u-dhiska Gaza.
Khalil Al Hayya ayaa muuqaal uu soo duubay, isagoo ku sugan dalka Qatar waxa uu ku sheegay in ay awoodaan dib-u-dhiska Gaza, iyagoo kaashanaya Alle (SWT), shacabkooda iyo taageereyaashooda dibadda.
Khalil Al Hayya oo muddooyinkan ku magacawnaa Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xamaas ayaa ballanqaaday inay yarayn doonaan xanuunka shacabkooda, isla-markaana ay bogsiin doonaan nabarada ay qabaan.
Al Hayya ayaa u hambalyeeyay boqolaal maxaabiis Falastiiniyiinta ah oo wejiga koowaad ee heshiiska laga sii deyn doono xabsiyada Israel, isagoona sheegay in dadkaasi ay haystaan ballanqaad ay dib xorriyaddooda ugu helayaan.
Xabad joojinta ayaa lagu wadaa in maalinta Axadda ay si rasmi ah uga dhaqangasho Marinka Gaza oo dhan.
Waa heshiiskii labaad ee xabad joojin ah oo Xamaas iyo Israel ay gaaraan, tan iyo markii uu dagaalkan ka dhex qarxay bishii October ee sanadkii 2023.
Labada dhinac ayaa daba-yaaqadii bishii November ee 2023 ku heshiiyay hal toddobaad oo xabad joojin ah, markaas oo ay maxaabiis badan is dhaafsadeen.