Shacabka Falastiin oo dibadbaxyo ka dhigay Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed

Shacabka Falastiin ayaa xalay Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto ka dhigay bannaanbaxyo ay ku bogaadinayaan Xamaas, ka dib heshiiskii xabad joojinta ee ay wada gaareen Israel.

Dad u badan dhallinyaro ayaa isugu soo baxay deegaanada Khan Yunis iyo Deir Al-Balah ee Marinka Gaza, iyagoo markaasi ku faraxsan inaanan dagaalka lagu burburin Xamaas.

Dadka reer Gaza ayaa u dabaal-degaya in wax ka badan 15 bilood oo dagaal ah ay toddobaadka soo socda awoodi doonaan in qaarkood ay dib ugu laabtaan guryahooda.

Barraha bulshada ayaa waxaa wareegaya muuqaalada ka imanaya Gaza ee ay dadku ugu dabaal-degayaan heshiiska xabad joojinta.

Muuqaalada ayaa laga arki karay dadka oo sita Calanka Falastiin, kuna luqeynaya heesaha loo sameeyay gobanimo doonka iyo halganka ay kooxaha iska caabintu ugu jiraan dib u soo celinta madaxbannaanidooda.

Sidoo kale Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ayaa isugu soo baxay Magaalada Ramallah, iyagoo isugu jira rag iyo dumarba.

Muuqaalada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya dadka oo ku qaylinaya magaca Yahya Sinwar, Hoggaamiyihii Ururka Xamaas ee 16-kii bishii October lagu dilay koonfurta Marinka Gaza.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza ayaa waxaa aad u soo kordhayay isku dhacyada Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel ku dhex maraya Daanta Galbeed.

Xamaas ayaa taageero xoog leh ka heshay Falastiiniyiinta Daanta Galbeed, ka dib weerarada aan kala sooca lahayn ee ay Israel ku bartilmaameedsaneysay dadka reer Gaza.

Hawlgalka Ciidamada Israel ee Gaza ayaa hadafkiisii hareer maray, ka dib markii ciidamadaasi ay bilaabeen inay si indha ah u beegsadaan xaafadaha shacabka, shaqaalaha samafalka, Xarumaha Qaramada Midoobey iyo inay gaajeysiinta shacabka u adeegsadaan, sida hub oo kale.

Beegsiga Israel ee ka dhanka ah dadka rayidka ah, burburinta guryaha la degan yahay iyo kaabeyaaha muhiimka ah ee dadweynaha ayaa la aaminsan yahay in ay ugu wacan tahay sababta aan looga adkaan Ururka Xamaas.

Ciidamada Israel oo 15-kii bilood ee la soo dhaafay dagaal kula jiray Xamaas ayaa ku guuldareystay in ay ka ciribtiraan Marinka Gaza.

Israel oo muddo dheer diidaneyd heshiiska xabad joojinta Gaza ayaa waxay hadda aqbashay heshiiskaasi, iyadoo Xamaas ay weli maamuleyso Marinka Gaza.

Ururka Xamaas ee Falastiin waa dhaqdhaqaaqa ugu weyn ee gobanimo doon ee u dagaalamaya xoreynta dadka Falastiiniyiinta iyo dhulkooda xoogga lagu haysto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker