Madaxweynaha la xiray ee Kuuriyada Koonfureed oo diiday in su’aalo la weydiiyo
Madaxweynaha shalay xabsiga loo taxaabay ee Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol, ayaa diiday inu ka qeyb qaato maalinta labaad ee su’aalo weydinta. Su’aalaha aya aku saabsan isku daygiisi inuu dalka ku soo rogo xukun milatari.
Yoon ayaa la xiray Aracai shalay ahayd, isagoo lagu eedeeyay kicin dadweyne iyo ku takrifal awoodeed.
Ha yeeshe, maxkamada dastuuriga ah ayaa qabanaysa dhageysi maxkamadeed oo ay ku go’aamineyso in si rasmi ah xilka looga qaadayo madaxweynaha ama in dib loogu soo celinayo awooddiisa.
Yoon Suk Yeol, waxa uu ku adkaysanayaa in dembiyada laga baarayo ay yihiin kuwa sharci darro ah.