Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Soo Dhaweeyaay Heshiiska Xabad Joojinta Xamaas iyo Isra’iil
Waxa aan ku faraxsanahay oo aan aad u soo dhaweynayaa heshiiska xabbadjoojinta ah ee ay wada gaadheen Xamaas iyo Israa’iil. Heshiiskan oo dhinacyo badan dedaal ugu jireen muddada sannad iyo dheeraadka ah ee ay Israa’iil xasuuqa ku wadday shacabka xaq u dirirka ah ee reer Qasa.
Heshiiskan, oo Axadda dhaqangeli doona, waxa uu reer QASA uga dhigan yahay guul hor leh, maadaama aanay Israa’iil waxba ula hadhin isla markaana ay toodi noqotay, Israa’iilna wax natiijo ah aanay gaadhin, marka laga tago gumaadka ba’an ee dad iyo duunyaba leh ee ay QASA kula kacday, taas oo ay u dheertahay dhirbaaxooyinka diblumaasiyadeed ee Golayaasha QM kaga dhacay.
Heshiiskani, tusaale wanaagsan ayaa uu innoo yahay, Somaliland ahaan, dunida oo idilna uu u yahay, waxaana uu caddayn buuxda u yahay sida wax loogu heshiin karo, iyada oo inta la doono la kala fog yahay, oo wax kasta oo la isku hayo xal laga gaadhi karo.
Heshiiska iyo wadahadalku waa ilbaxnimo, waa horumar, waana qayb muhiim ah oo dawladnimada ka mid ah. Soomaaliduna waa tii ku maahmaahi jirtay “wada hadlaaba heshii!”
Ugu dambayn, shacabka reer Qasa iyo guud ahaan dadka reer Falastiin, waxaan u rejaynayaa nabad, badhaadhe iyo in uu Eebbe guuleeyo oo uu gaadhsiiyo himiladooda ah in ay cisi iyo sharaf ku noolaadaan!