Dadka dunida oo laga digayo kororka miisaankooda

In ka badan kala bar dadka adduunka, ayaa waxey noqon doonaan dad u qeyb sama kuwa cayilan, iyo kuwo uu cayilkooda xad dhaf yahay, marka la gaaro sanadka 2035, haddii aan tallaabo la qaadin, sida ay ka digtay hey’adda caalamiga ee warbixisa dadka uu kordhay miisaankooda.

In ka badan afar bilyan oo qof, ayay saameyn doontaa arrintani, iyadoo korarka miisaanka caruurta uu noqon doono mid heerkiisu sarreeyo, sida lagu sheegay warbixinta.

Wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka yahay ee qaaradaha Afrika iyo Aasiya, ayaa la filayaa inay lasoo darsaan kororka ugu badan.

Warbixintu ayaa waxay saadaalisay in kharashaadka ku baxa heerka buurnida ay ku kici doonto adduun gaaraya $4tn (£3.3tn) sannadka 2035-ka.

Madaxa hey’adda, Prof Louise Baur, ayaa natiijada warbixinta ku tilmaantay digniin cad, oo dalalka loogga digayo inay hadda wax ka qabtaan kororka miisaanka, haddii kale mustaqbalka ay dadka lasoo gudboonaan doonto cawaaqib xumo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker