qaabki loo soo qabtay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed
Kadib markii mas’uuliyiinta dalka Kuuriyada Koonfureed ay 3-dii Bishan Janaayo ay ku guul dareysteen inay soo xiraan madaxweynaha dalkaas Yoon Suk Yeol, ciidamada amaanka Yoon ayaa xayndaabka gurigiisa ku xiray silig iyagoo sidoo kale basas adeegsanaya.
Balse baarayaasha la dagaalanka musuq maasuqa ee madaxweynaha soo xiray iyo booliska ayaa soo gaaray guriga madaxweynaha iyagoo sita qalab lagu jari karo siliga lagu wareejiyay xayndaabka guriga iyo sidoo kale jaranjarooyin.
Waxay Koreen basaska la dhigay mise lagu taxay guriga hortiisa, waxayna jareen xayndaabka guriga oo silig ka sameysnaa, kaas oo looga hor tagayay in gudaha loo galo gurigiisa.
Yoon ayaa ugu dambeyntii la soo xiray waxaana ay baarayaashu heyn doonaan muddo 48 saacadood ah si su’aalo loo weydiiyo.