Madaxweyne Biden oo dal weyn ka saaray liiska dalalka ku eedeysan taageerada argagaxisada

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka saari doona Cuba in ay kamid tahay liiska taageera kooxaha argagixisada, taasoo qeyb ka ah heshiiska sii deynta maxaabiista, ayuu yiri Aqalka Cad.

Wax yar ka dib, Cuba waxay ku dhawaaqday inay sii deyn doonto 553 maxbuus oo loo haysto “dambiyo kala duwan”.

Waxaa loo malaynayaa inay ku jiraan kuwii ka qaybqaatay mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo dawladda afar sano ka hor.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa dib ugu magacaabay dalka inuu yahay waddan kaalmeeya argagixisada maalmihii ugu dambeeyay ee doorashadiisa 2021-ka, isagoo Maraykanka ka mamnuucay inuu taageero dhaqaale siiyo iyo inuu hub u dhoofiyo dalkaas.

Laakiin Talaadadii, sarkaal ka tirsan maamulka Biden ayaa sheegay in baaritaanku uusan muujinin wax caddeyn ah oo arrintaasi la xiriira.

Cuba waxa ay sheegtay in go’aanka Biden uu yahay tallaabo “jihada saxda ah loo qaaday” inkasta oo tallabadaasi ay tahay mid ku meel gaar ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker