MadaxweynahaKuuriyada Koonfureed oo xabsiga loo taxaabay
Baarayaasha la dagaalanka musuqmaasuqa ee Kuuriyada Koonfureed ayaa xiray madaxweynaha shaqada laga joojiyay ee dalkaas, Yoon Suk Yeol.
Yoon ayaa wajahayay eedeymo la xirriira kacdoon shacab, kadib isku dayaygiisii in dalka uu ku soo rogo xukun milatari. Yoon oo haatan ku sugan xafiiska baarista musuqmaasuqa (CIO) ayaa sheegay inuu ogolaaday in su’aalo la weydiiyo.
Waxaa loo kaxaystay su’aalo laga weydiinayo eedaynaymo la xiriira kacdoon iyo ku takri fal awoodeed isku daygiisii ahaa inuu soo rogo xukun militari.
Bayaan ka soo baxay madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu go’aansaday in uu is dhiibo si uusan ‘dhiig u daadan’, inkastoo aysan la macno ahayn in uu aqbalay baaritaanka.