Madaxweynaha cusub ee Mozambique oo la dhaariyay
Daniel Chapo, oo ka tirsan xisbiga talada haya ee FRELIMO, ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha Mozambique, xilli ay socotay xaflad gaar ah oo si gaar ah loo ilaalinayay oo ka dhacday Maputo.
Caleemo saarkiisa ayaa daba socota qalalaasaha bilaha ah ee galaaftay nolosha ku dhawaad 300 oo qof, sida ay sheegeen kooxda goobjoogayaasha doorashada. Mr Chapo ayaa khudbadiisa ku balan qaaday in ay muhiimada koowaad siinayaan midnimada iyo dadaalka horumarineed ee guud ahaan qaranka.
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ka mid ah madaxda kale ee ka soo qeyb galay. Dhanka kale dibad bax ayaa ka dhacay banaanka goobta uu shirku ka socday, kaasoo jawiga ka dhigay mid kacsan. Waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Maputo ayaa weli cidlo ah iyadoo booliis xooggan ay joogaan
Tani waxay daba socotaa xilli doorasho oo aad u kululaa oo dhaliyay rabshado ka dib doorashadii, iyadoo hogaamiyaha mucaaradka Venancio Mondlane uu ka soo horjeestay natiijada.