Raysal Wasaaraha Israel oo kulan la leh Wasiirka mayalka adag ee Itamar Ben-Gvir
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir, si uu ugu qanciyo inaanu carqaladeyn heshiiska ay suurtagalka tahay in ay Xamaas kula gaaraan dalka Qatar.
Ben-Gvir oo ah mid ka mid ah Wasiirada ugu xagjirsan ee ka tirsan xukuumadda uu Benjamin Netanyahu hoggaamiyo ayaa ka biyo diidan in la joojiyo dagaalka Gaza.
Ben-Gvir ayaa la filayaa in Talaadadan uu kulan isugu yeero Xubnaha Xisbigiisa Otzma Yehudit, si uu ula wadaago wax kasta oo ka soo baxa kulanka uu Netanyahu la leeyahay.
Ben-Gvir oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Otzma Yehudit ayaa xubnaha ka tirsan uu ka dalban doonnaa in ay diyaariyaan jawaabtooda heshiiska, haddii ay soo dhaweynayaan iyo haddii kaleba.
Ben-Gvir ayaa muddooyinkanba ku hanjabayay in xisbigiisa midigta fog uu dumin doono xukuumadda la wada leeyahay, haddii ay ogolaato in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza.
Taageerada isbahaysiga midig fog ayaa gacmaha ka xireysa Netanyahu, iyadoo aanu wax tallaabo ah qaadi karin la’aantood, si aysan xukuumaddiisu u burburin.
Doorashadii ugu dambeysay, Xisbiga Likud ee Netanyahu uu hoggaamiyo ayaan helin aqlabiyad ku filan, waxaana uu taageero ka raadsaday axsaabta midig, si uu u soo dhiso dowlad wadaag ah.