Netanyahu oo caqabad ay ka haysato gudaha Israel

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa caqabad xoog leh kala kulmaya gudaha, xilli uu wajahaya cadaadis caalami ah oo lagaga dalbanayo in xukuumaddiisu ay soo afjarto duulaankeeda Marinka Gaza.

Iyadoo uu Aqalka Cad ee Mareykanka uu sheegay in Israel iyo Xamaas ay ku dhow yihiin inay gaaraan heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is weydaarsiga ayaa waxaa uu haddana uu culeys siyaasadeed ka haystaa Wasiirada axsaabta midigta fog.

Wasiirada Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich ayaa uga digay Raysal Wasaaraha in uu heshiis la galo Ururka Xamaas ee Falastiin.

Wasiirada xagjirka ah ee xisbiyadooda wax ka soo dhiseen xukuumadda isbahaysiga ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara, haddii xukuumaddu ay qaadato heshiiska xabad joojinta, iyadoo aan Xamaas la wiiqin.

Bezalel Smotrich, Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in heshiiska ay suurtagalka tahay in lagu gaaro Magaalada Doha uu masiibo qaran ku noqon doono Israel, sida uu yiri.

Wasiirada mayalka ayaa ku hanjabaya in ay isaga bixi doonaan xukuumadda uu hoggaamiyo Netanyahu, haddii ay go’aansato inay heshiiskaasi aqbasho. Ka bixistooda xukuumadda ayaa soo dedejineysa in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo mariyay, waana waxa uu Netanyahu ka soo horjeedo. Netanyahu ayaa doonaya in uu dhameysto waqtiga uga harsan muddo xileedkiisa oo ku eg sanadka 2026.

Smotrich iyo Ben-Gvir waxaa lagu tilmaamaa labada nin ee ugu xagjirsan ee ka tirsan xukuumadda wadaagga ee Netanyahu uu Raysal Wasaaraha ka yahay.

Labadan nin ayaa muddo dheer lugaha ku dhegnaa in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka daba dheeraaday ee Gaza.

Dhanka kale Netanyahu ayaa wajahaya cadaadis kale oo gudaha ah, oo loogu jeedinayo in xukuumaddiisu ay heshiis la gaarto Xamaas, si loo sii daayo maxaabiista Israeliyiinta ee lagu hayo gudaha Gaza.

Qaar ka mid ah qoysaska eheladooda lagu haysto Gaza ayaa Isniintii xoog ku galay kulan ay xubno guddi ah ku lahaayeen Baarlamaanka Israel.

Dadkan ayaa si gaar ah Wasiirka Maaliyadda ugu eedeeyay in uu carqaladeynayo wada hadalada nabadda ee Doha, isla-markaana uu diidan yahay dadaalada socda ee lagu soo sii deynayo xubnaha ka maqan.

Netanyahu ayaan la garaneyn, sida uu mar kale uga xeeladeysan doono cadaadiska ka haysta gudaha, oo ay u dheer tahay tan caalamiga ah.

Netanyahu ayaa dhawaan carabka ku adkeeyay in Israel ay awood militari ku qabsan doonto Marinka Gaza, iyadoo aan loo eegeyn nooc kasta oo heshiis ah.

Dagaalka Gaza ayaa gudaha Israel ka abuuray kala qaybsanaan aan horey loo arag.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker