Jubaland oo amaan kala dul dhacday Puntland Dagaalka ay Daacish kula jirto

War kasoo baxay Madaxtooyada Jubalanad ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo si weyn u bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah Daacish ee ka socda Puntland.

Warkaan ayaa shaaca looga qaaday in Madaxweynaha Jubaland uu adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya ay u noqoto mid miro dhal ah.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubaland ayaa amaan kala dul dhacay maamulka iyo ciidanka Puntland waxaana uu ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howlgalka lagu cirib tirayo kooxda Daacish isagoo tilmaamay in howlgalkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Warka kasoo baxay Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaan marna lagu soo hadal qaadin in Dowladda Soomaaliya ay ku gacan siiso Puntland dagaalka ay kula jirto Daacish.

Madaxweynaha Jubaland ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka inay ku garab istaagaan Puntland sidii uu u miro dhali lahaa howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker