Duuliyihii diiday in uu Hargeysa duqeeyo oo billad la guddoon siiyay

Todobaadki hore waxaa magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay Axamed Maxamed Xasan (Axmed Dheere), oo ka mid ahaa duuliyaashii ciidamada cirka ee Soomaaliya, kaas oo lagu xasuusto diyaaraddii miiga aheyd ee uu ka dajiyay Jabuti, iyadoo dowladdii milatariga aheyd ay u dirtay duqeyn cirka ah in uu ka geysto Hargeysa.

Afarti bishaan ayaa xarunta Jaamacadda Muqdisho lagu guddoon siiyay Duuliye Axamed Dheere, billad geesinnimo oo ku muteystay tallaabadaasi. Sidoo kale waxaa Muqdisho loogu sameeyay isu imaatin ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin, aqoonyahan iyo dad kale oo lagu soo dhaweynayay Duuliyaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker