Kulan Albaabadu u Xidhan yihiin Oo Magaalada Paris ku Dhex-maray Gudoomiye Cirro Iyo Madaxweynihii Hore Daahir Riyaale Kaahin.
Paris-(OWN)-Kulan aan nuxurkiisa la oggeyn, ayaa Caasimada dalka Faransiiska ee Paris ku dhex-maray Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin.
Kulankan dhex-maray Gudoomiye Cirro iyo Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo saacado qaatay, ayaa ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin oo aan Saxaafada loo ogolayn, ayaa la sheegay in lagaga wada-hadlay arrimo kala duwan, oo ay Kamid tahay xaalada Siyaasadeed ee waqtigan uu ku sugan yahay dalka Jamhuuriyada Somaliland.
Waxana labada hoggaamiye isla qaada-dhigeen marxalada dalku ku jiro iyo sida looga bixi Karo Jaho wareerka Siyaasadeed ee dalku galay, waxana xaaladaha sida gaarka ah kulankan loogu dul istaagay Kamid ahaa khilaafka u dhexeeya Xukuumada Kulmiye iyo asxaabta Mucaaridka ah iyo Kala qaybsanaantii laga dhaxlay doorashadii Madaxtooyadda ee Somaliland ka dhacday 2017-kii November 13-keedii.