Khilaaf ka dhaex qarxay Wasaradaha arrimaha gudaha iyo Dawladaha hoose

Waxa soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya wasiirka Amniga iyo arrimaha gudaha Cabdale Sandheere iyo wasiirka Dawladaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka Xasan Macallin kadib markii wasiir Cabdale Sandheere diiday xilka qaadista lagu sameeyay xoghayeyaasha Burco, Berbera iyo Faraweyne.
Ilo-xogogaal ah ayaa OWN u sheegay in wasiir Cabdale Sandheere amray in aanay xilka wareejin xoghayeyaashii hore ilaa amar dambe soo baxayo. Waxana uu intaa raaciyay in uu isagu xaq u leeyahay magacabista Xoghayeyaasha maadaama oo uu yahay wasirkii Arrimaha gudaha.
Waxa socda dedaallo dhinaca madaxtooyada ah oo labada mas’uul loogu garnaqayo.
Wasiir Xasan Macallin, ayaa dhawaan magacaabay saddex Xoghaye oo cusub kuwaas oo kala xoghayeyaasha Berbera, Burco iyo Faroweyne.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker