Canada oo ka hadashay hadalka Trump ee ah in lagu darayo Mareykanka
Raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa ku celceliyay in Canada aysan dooneyn inay noqoto gobolka 51-aad ee Mareykanka.
“Marna ma dhici doonto taasi”, ayuu yiri Trudeau.
Mar uu Axadi shalay ahayd wareysi siiyay xoghayahii hore ee warfaafinta aqalka cad, Jen Psaki ayaa Trudeau waxaa uu ka hadlay hadalka dhowr mar soo noqnoqday ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, taas oo ah in Canada ay qeyb ka noqon karto Mareykanka.
“Trump wuxuu doonayaa inuu dadka jahwareer ku rido, gobolka 51-aad ma jiri doono”, ayuu yiri raysal wasaaraha.
Raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa dhawaan shaaciyay inuu xilka ka degi doono bisha Maarso, marka uu xisbigiisa Liberal-ka helo hogaamiye cusub.