𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐋𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐒𝐋, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐘𝐨𝐨𝐧𝐢𝐬 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐨𝐨𝐧𝐢𝐬, 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐡𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐥𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚.

Kulankan waxa kasoo qaybgalay hay’adaha UN-ta sida UNDP, UNICEF, UNODC, UNISOM iyo IOM, waxana goobjoog ahaa agaasimaha guud wasaaradda cadaalada mudane ismaciil saleebaan bowkax Waxa uu ahaa ujeeddada kulankan dardargelinta barnaamijyada qorshaha u ah wasaaradda ee ku astaysan 100 maalmood iyo waxqabadka xukuumadda xisbiga WADDANI.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Yoonis Axmed Yoonis, ayaa hay’adda uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay Somaliland ula shaqeeyaan, ugana taageeraan barnaamijyada lagu horumarinaayo adeegyada caddaaladeed. Wasiirku waxa uu xusay in wasaaradda ay ahmiyad u tahay dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda sida xabsiyadda iyo adeegyada kale ee caddaaladeed.

Dhammaan masuuliyiinta hay’adaha kala duwan ka socday ayaa ballanqaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonan wasaaradda cadaaladda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker