Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha oo kulan la qaatay Masuulinta EU-CAP
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa kulan la qaatay Masuulinta EU-CAP, kulan oo ahaa is barasho iyo in la xoojiyo Wada shaqaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL iyo Hay’adda EU-CAP.
Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka ayay isla qaateen in la xoojiyo, Korna loo qaado wada shaqaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL iyo Hay’adda EU-CAP.