Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu safarkii ugu horreeyay sanad kaddib ku tago Addis Ababa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka furmi doono wadahadallo u dhexeeya labada dal.

Wadahadalladan ayaa la filayaa inay diiradda saaraan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, oo saldhig u ah nabadda iyo horumarka gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, si ay uga wada hadlaan dhowr ajande muhiim ah, oo ay ka mid yihiin Dardargelinta Heshiiskii Ankara, iyo doorka ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.

Markii ugu dambeysay oo madaxweyne Xasan Sheikh uu tagi Addis Ababa waxay ahayd 17-kii bishii labaad ee sannadkii hore, markaas oo ciidamada Itoobiya ay isku dayeen in ay ka hor istaagaan ka qeybgalka shirka Midowga Afrika oo ka socday halkaas.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galayay shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka Itoobiya ay isku dayeen in ay ka hor istaagaan inuu ka dhoofo hotelka uu ka degenaa magaalada Addis Ababa, taasoo ku qasabtay inuu raaco kolanyada madaxweynaha Jabuuti.

Labada dal ayaa xilligaas is adag isugu hayay heshiiska arrimaha badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaasoo dowladda Soomaaliya ay si weyn uga carootay, keenayna inuu xiriirka labada dal aad u xumaado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker