Booliiska Muqdisho oo soo bandhigay Rag iyo Dumar ku eedeysan falal la xariira dil, dhaawac iyo dhac dad weyne

Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdsho kusoo bandhigay 23 ruux oo isugu jira rag iyo dumar ku eedeysan iney geysteen falal la xariira dil, dhaawac, kufsi iyo dhac dad weyne.

23-ka eedeysane oo midi haweeney tahay ayaa lagu soo qabqabtay howlgalo ciidamadu ka sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay qaar ka mid ah degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho.

“Hay’adda ha amiga Gobalka Banaadir iyo Shacabka Caasimadda oo is kaashanaya ayaa soo qabtay eedeysanayaal gaaraya 23 eedeysane oo kukacay falal iskugujira Dil, Dhaawac, Dhac dadweyne iyo ka ganacsi maandooriye” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.

Warka kasoo baxay Taliska Booliiska Banaadir  ayaa sidoo kale lagu sheegay in 23-ka  eedeysane si deg deg ah loo horgeyn doono caddaaladda.

Ugu dambeyntii Booliiska Muqdisho ayaa ugu baaqay dadka reer Muqdisho iney lasoo wadaagaan xogaha la xariira kooxaha geysta falalka lidiga ku ah amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker