Israa’iil oo qorsheynaysa in milatari ahaan iyo mukhaabaraad ahaanba ku qabsato deegaan cusub gudaha Suuriya
Masuuliyiin sare oo Israa’iiliyiin ah ayaa laga soo xigtay in Israa’iil u baahan tahay joogitaankeeda Suuriya, iyadoo gudaha ugu sii dhaadhacaysa illaa 15 km (9.3 Mile) si ay damaanad ugu hesho in aanay u suurtagalin kooxaha taageersan maamulka cusub in gantaallo ku soo ridaan dhulka sare ee buurraha golan.
Wargayska Israa’iil ka soo baxa ee Diot Ahronot ayaa masuuliyiin ka soo xigtay in lagama maarmaan tahay in gudaha loo galo Suuriya illaa 60 km (37 Mile) iyadoo mukhaabaraadka Israa’iil uu arinta gacanta ku hayn doono si loola socdo dhaqdhaqaaqyada iyo ka hortaga khatar soo fool leh.
Wargeyska ayaa intaa ku daray in masuuliyiinta Israa’iil la yaaban yihin sida reer galbeedku “isakaga indha tirayaan” nidaamka cusub ee Suuriya ka hanaqaaday ee uu hoggaaminayo Axmed Al-Sharci (oo horey loogu aqoon jiray Abuu Maxamed Al-Guulaani).
Wargeyska ayaa diiradda saaray taariikhda hoggaamiye Axmed Al-Sharci iyo xiriirkii uu horey ula lahaa ururka Al-Qaacida kahor inta aanu iska bari yeelin, waxayna masuul Israa’iil ah ka soo xigatay isagoo oranaya; “Maraykanka, Ingiriiska iyo Jarmalku waxay sharciyad siinayaan nin dad qalato ah”, waa sida uu hadalka u dhigaye.