UNICEF: 74 carruur ah ayaa lagu dilay Gaza, todobaadka 1aad ee 2025
Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in toddobadii cisho ee la soo dhaafay ay Israel ugu yaraan 74 carruur ah ku dishay weeraradeeda Gaza.
Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Carruurta ayaa sheegtay in dhallaanka qaarkood lagu dilay weeraro xagga cirka ah oo ka dhacay goobta koonfurta Gaza ku taala ee ay Israel horey ugu asteysay aag bani’aadantinimo, dadkana ay ku wargelisay inay taggaan.
Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda UNICEF, Catherine Russell ayaa maanta sheegtay in sanadkan cusub uu carruurta Gaza u noqday sanad kale oo dhimasho badan.
Catherine Russell ayaa sheegtay in weerarada baahsan ee Israel ay xaalad silic ah u horseedeen carruurta Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.
“Carruur aad u badan ayaa la dilay ama la waayay, bilowga naxdinta leh ee sanadka cusub.” Ayay tiri Catherine Russell.
Waxay kaloo sheegtay in xaalad aad u khatar badan ay wajahayaan dhallaanka Gaza, oo ay ku jiraan hoy la’aanta iyo qabowga daran ee xilliga jiilaalka, iyadoona dalbatay in la qaado xayiraadaha lagu hayo gurmadka bani’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.
Catherine Russell ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in hal milyan oo carruur ah ay ku nool yihiin guryaha teendhooyinka iyo cooshadaha ka sameysan ee ay degan yihiin qoysaska barakacayaasha.
“Hoy la’aanta iyo qabowga jiilaalka ayaa halis weyn ku ah carruurta Gaza.” Ayay haweeneydan ku sheegtay warsaxaafadeedkeeda.
“15-kii bilood ee la soo dhaafay, carruurtu waxay la kulmayeen khataro aad u daran.” Ayay tiri Catherine Russell oo intaasi ku dartay “Laga soo bilaabo 26-kii bishii December, sideed carruur ah iyo kuwo dhawaan dhashay ayaa ku dhintay qabowga. Waa khatar weyn oo ku wajahan carruurta yaryar ee aan awoodin inay hagaajiyaan heerkulka jirkooda.”
Catherine Russell ayaa ugu baaqday Israel inay u hoggaansanto waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, ayna joojiso weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah, shaqaalaha bani’aadantinimada iyo kaabeyaasha dadweynaha, isla-markaana ay bilowdo daboolidda baahiyaha muhiimka ah ee shacabka iyo fududeynta helitaanka gargaar bani’aadantinimo oo degdeg ah, badbaado leh, isla-markaana aan la carqaladayn.