Ciidamada Booliska oo Gacanta Ku Soo Dhigay Gacan Ku dhiigle
Ciidamada Booliska JSL ee Gobolka Awdal iyo Gabilay oo iskaashanaaya ayaa gacanta ku soo dhigay Saddex eedaysane oo ku eedaysan inay 8-da Bisha 2025, magaalada Gabilay ku dileen Marxuum A/le Buux Mawliid Ismaaciil.
Hawlgallo iyo dadaal xooggan oo ay sameeyeen Ciidanku, waxaa lagu soo qabtay dhammaan eedaysanayaashii degaanka Cali Xaydh ee G. Awdal , dhammaantood eedaysanayaasha waxa degdeg loo horgayn doonaa Ha’yaddaha garsoorka.
Taliska guud ee Ciidanka Booliska JSL , waxa tacsi u diray ehelka, qaraabada, iyo dhammaan Ciidanka Booliska JSL oo uu ku tirsanaa marxuumku.