46,000 oo qof oo lagu dilay dagaalka Israel ee Gaza
Ku dhwaad 46,000 oo qof ayaa lagu dilay weerarada ay Israel ka waddo Marinka Gaza, taasoo ku tusineysa in dagaalkeeda Gaza uu yahay mid aan kala sooc lahayn.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Arbacadan sheegtay in tan iyo markii uu dagaalku bilowday ay Israel dishay 45,936 qof oo u badan haween iyo carruur.
Tiradan ugu dambeysay ee wasaaraddu cusbooneysiisay qayb kama ahan 40 qof oo maanta lagu dilay duqaymo ay Israel ka gaysatay qaybaha Gaza.
Wasaaradda ayaa sheegtay in 109,274 qof ay ku dhaawacmeen duqaymaha aan cidina loo meel dayeynin ee lagu hayo dadka reer Gaza.
In ka badan toban kun oo qof ayaa ku hoos jira burburka dhismayaasha. Dadkaasi maqan kuma jiraan dadka lagu xisaabiyay inay dhinteen amaba ay dhaawacmeen.
Ciidanka Cirka Israel ayaa u muuqdo kuwo xoojinaya duqaymahooda is daba jooga ah ee ka dhanka ah shacabka aan hubeysneyn, xilli Xamaas iyo Israel ay wada hadalo ku leeyihiin dalka Qatar, ayna jirto rajo ah in heshiis la gaari rabo.
Ciidamada Israel ayaa wada weerarada ay ku leynayaan dadka rayidka ah, iyadoo barraha bulshada si toos ah looga daaweynayo xasuuqa ay ka gaysanayaan meelaha ay shacabku ku badan yihiin.