Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL oo Kulan La Qaatay guddoomiyeyaasha jumciyaddaha qur’aanka kariimka ah ee gobolka Maroodijeex (Sawiro).

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Cabdilaahi Daahir Jaamac (Cabdilaahi Baashe) ayaa Shalay Galab kulan muhiim ah la qaatay guddoomiyeyaasha jumciyaddaha qur’aanka kariimka ah ee gobolka Maroodijeex.
Wasaaradda waxa kulankaas ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee WasaaraddaDiinta iyo Awqaafta Md khaalid Ibraahim Xasan (Oday) iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeeddyada Wasaaradda.
Wasiirku waxa uu ka hadlay muhiimadda wada shaqaynta jumciyaddaha qur’aanka kariimka ah iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta bulshada,gaar ahaan madaarista qur’aanka .
Waxa ka soo baxay kulankaas qodobadan hoos ku xusan:-
1. Horumarinta madaarista qur’aanka kariimka ah
2. diiwaan galinta madaarista qur’aanka.
3. dardar gelinta Tababarada lagu horumarinayo macalimiinta madaarista.
4. kormeerka iyo kor joogtaynta madaarista qur’aanka.
5. iyo wax kasta oo kor loogu qaadayo kitaabka qur’aanka kariimka ah.
Guddoomiyeyaaaha ayaa dhankooda u hambalyeeyey wasiirka soona dhaweeyey waxaanay sheegeen oo ay balan qaadeen inay la shaqayn doonaan wasaaradda.
Kulanka waxaa xooga lagu saaray sidii loo Horumarin lahaa madaarista qur’aanka kariimka ah.
Wasiirka oo kulanka soo xidhay ayaa Culimada uga mahad celiyay sida ay kulanka u soo ajiibeen ,sidoo kalana inuu diyaar u yahay lashaqayntooda.
Kulanka waxa ka soo qayb galay
Jumciyadaha madaarista qur’aanka kariimka oo ay ka mid yihiin .
1. Jumciyadda Qur’aanka kariimka ah.
2. Jumciyadaha siraaj
3. Jumciyadda anwaar
4. Jumciyadda Al-Huda
5. Maktabka iqra
6. Jumciyadda Tawfiiq
7. Jumciyadda Cibaadu Raxmaan
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 9 peopleMay be an image of 4 people and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people and textMay be an image of 9 people and headscarfMay be an image of 2 peopleMay be an image of 5 people

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker