Saamayta ay Yeelatay khariidaddii Cusbayd ee Ethiopia Shaacisay

Khariiad dhowaan “si qalad ah” loogu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, kaas oo Soomaaliya meesha ka saaray, ayaa caro badan ka dhaliysay baraha Bulshada.

Itoobiya iyadoon soo hadal qaadin dalalkii ka maqnaa, ayay ka hadashay map-kaas waxayna sheegtay in uu yahay “sawir aan la aqbali Karin.”

Balse khariidadda wax badan ayaa ka qaldan.

Soomaaliya

Sida ka muuqato sawirka Soomaaliya ayaa lagu daray Itoobiya taas oo ka careysiisay dad badan oo isticmaala baraha Bulshada.

Khariidadda muranka dhalisay, ayaa illaa iminka aysan ka hadlin dowladaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid “meel ka dhac ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya”, waxaana dadka ka fal celiyay ay sheegeen in Itoobiya ay dooneyso wax ay ugu yeereen “dhul ballaarsi”.

South Sudan

Dalka South Sudan wuxuu waddan noqday 2011-kii oo madaxbannaanid buuxda uu ka qaaday Sudan, balse sida khariidadda ka muuqato kuma xusna.

Qaar ka mid ah shacabka South Sudan ee baraha bulshada isticmaala ayaa ka carooday arrintaas si la mid ah dadka Soomaalida oo ka xanaaqay in Itoobiya “lagu daray”.

Waxaa jiro muran dhanka xuduuudda ah ee u dhexeeya dalalka South Sudan iyo Itoobiya, laakiin dadka dalkaas iskuma xirayaan labada dhacdo.

Colaad sokeeye ayaa ka taagan South Sudan taas oo malaayiin qof guryahooda ka barakicisay. Dhowr goor ayaa la isku deyay in Addis ay heshiis ku gaaraan dhinacyada ishaya, wayna fashilmeen.

Dr Congo

Mapka saxda ah ee Afrika

Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo waa mid ka mid ah dalalka Afrika ugu waaweyn, waxayna soo saartaa khayraad kala duwan.

Inkastoo ay jiraan colaado sokeeye oo dalkaas ka taagan, haddana waa waddan caan ah oo dhammaan qeybaha qaaradda laga garanayo.

Waxaa deris la ah dalka loo garanayo Congo Brazzaville. Laakiin labada waddanba kuma qorna map-ka. waxaana ku qoran magac ka duwan kuwa loo garanayo dalalkan deriska ah Kaa oo ah Jamhuuriyadda Congo.

eSwantini (Swaziland)

eSwantini waa dal yar oo ku yaalla Koonfurta Afrika kaas oo dhowaan iska badalay magacii hore ee ahaa Swaziland.

 

Waa mid ka mid ah dalalka ugu horumarsan qaaradda ee loo aado dalxiiska, wuxuuna leeyahay boqortooyo muddo soo dhisnayd.

Laakiin Khariidadda kama uusan dhex muuqan dalkaasi, dariska la ah waddanka South Afrika iyo Mozambique.

Equatorial Guinea

Dalka Equatorial Guinea waa waddan xuduud la leh Cameroon iyo Gabon, wuxuuna saran yahay gacanka Guinea.

Balse sida map-ka Itoobiya ka muuqato waddankan waxaa lagu kala daray Gabon iyo Cameroon, taas oo shacabka qaar ee dalkaas ay ku tilmaameen inuu yahay “mid xad gudub ah oo si ulakac ah loo sameeyay”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker